Home Wararka Maanta Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo...

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka uu madaxweynaha Masar ku tagayo Soomaaliya

0

Madaxweynaha Masar Janaraal Cabdifitaax Al Sisi ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku yimaado Soomaaliya, taas oo noqonaysa safarkii ugu horreeyay abid oo madaxweyne Masaari ah ku yimaado Soomaaliya muddo ku dhow kontan sano.

Socdaalkaas ayaa dabo socda kulan horey Qaahira ugu dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sisi bishii hore, kaas oo ay uga wada xiriirka labada dal kadib markii uu soo baxay heshiiska badda iyo aqoonsi isweydaarsiga ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Masar oo si adag uga hadlay heshiiskaas ayaa xilligaas ku hanjabay inay si buuxda u taageeri doonaan Soomaaliya dhan ciidan iyo difaac iyo wixii kale ee ay uga baahato.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku loolamaya saameynta gobolka, iyaga oo isku haya sida loo wadaagayo biyaha webiga Nile ee kasoo farcama dhulka buuraleyda Itoobiya.

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa safarka Sisi

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa BBC u xaqiijiyay qorshaha booqashada madaxweynaha Masar oo uu sheegay inay si dhow u maamuleyso madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalkan oo codsaday in aynan magaciisa baahin waxa uu intaa ku daray in wafdi hordhac u ah safarka madaxweyne AlSiisi ay yimaadeen Muqdisho labo mar oo kala duwan oo dhammaadka toddobaadkii hore ah.

Wafdigaas oo isugu jira saraakiil amni iyo dublumaasiyiin sare ayaa kooxdii ugu horreysay ay yimaadeen Muqdisho sabtidii oo ah maalinkii askari hubeysan oo la la xiriirinayo Shabaab uu weerar ka geystay xero ciidan oo ku taal Muqdisho.

Xeradaas oo Gordan la yiraahdo waxay xarun u tahay ciidamada Soomaaliya ee ay sida gaarka ah u tababarto dowladda Imaaraatka, iyada oo weerarkaas lagu dilay saraakiil sar sare oo Imaaraat ah.

Kooxda labaad ee wafdiga ayaa yimid maalinkii xigay oo axad ahayd, sida uu inoo xaqiijiyay sarkaalka sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

Labada wafdi ba waxay hadda dib ugu noqdeen Masar, iyada oo uu weli socda qorshaha safarka madaxweyne Siisii uu ku imaanayo Soomaaliya. Sarkaalkan oo aan weydiinay xilliga la filayo in wafdiga madaxweynaha Masar ay yimaadaan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aysan jirin waqti deg deg ah.

Laakiin waxa uu intaa ku daray xogta xilliga iyo faahfaahinta kale ee la xiriirta qorshaha safarkaas inay bixin karto madaxtooyadda Soomaaliya.

Xiriir aan la sameynay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda nooma suurtogelin in aan helno warcelintooda.

Laakiin sarkaalka sare ee ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya waxa uu ka gaabsaday in uu xaqiijiyo ama beeniyo in dib-u-dhac ku yimid xilliga horey u qorsheysneyd in uu madaxweynaha Masar yimaado Soomaaliya

Ad
Previous articleAlshabaab oo Madaafiic Culus ku Garaacay Degmo kale oo ka Tirsan Galmudug
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maantay kuwajahan Magaalada…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here