Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah Dowladaha Taageera Soomaaliya oo Shuruudo adag ku xiray...

Qaar ka mid ah Dowladaha Taageera Soomaaliya oo Shuruudo adag ku xiray DFS (Akhriso)

0

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa shuruud ku xidhay bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada Soomaaliya  ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.

Waxay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad-goboleed, sidoo kalena qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha.

Qaar ka mid ah ayaa horay u dalbaday in la siiyo lacagta doorashada si ay u bilaabaan doorashada xildhibaanada golaha Shacabka.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

Ad
Previous articleGanacsade la dhashay Xildhibaan oo Caawa Lagu dilay Muqdisho
Next articleMid ka mid ah Sanatarada Cusub ee Galmudug oo is casilay una sharaxan Aqalka Hoose

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here