Home Wararka Somaliya Galmudug Maxay tahay ujeedka Xilka Looga qaaday Wasiirka Arimaga Gudaha Galmudug

Maxay tahay ujeedka Xilka Looga qaaday Wasiirka Arimaga Gudaha Galmudug

0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

Warqada ayaa sidoo kale lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday Wasiirka ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Xil ka qaadistan Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug ayaa timid kadib markii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel uu magacaabay golaha deegaanka Degmada Balanbale.

Golaha Deegaanka Balanbal ayaa waxaa ka dhashay Buuq farabadan waxaana arintaasi ay sababtay xil ka qaadista wasiirka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Cusub ee Dowladda Hindiya {Sawiro}
Next articleGudoomiye Cabdi xaashi iyo dhigiisa dalka Bakistaan oo kulan wada qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here