Home Wararka Maanta Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya iyo Beeshiisa...

Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya iyo Beeshiisa oo la Ogaaday

0

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Doodishe ayaa maanta agaasime ku-meel gaar ah u magacaabay hay’adda fadeexadda musuq-maasuq uu hareeyey ee Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Agaasimaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda ayaa loo magacaabay Axmed Siciid Maxamed. Axmed ayaa sidoo kale kasoo jeeda beesha Ceyr, si la mid ah labadii agaasime ee ugu dambeeyey ee ka horreeyey.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii agaasimihii hore ee hay’adda Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu sheegay inuu xilkaas iska casilay, isaga oo dalka ka maqan kadib markii ay kusoo baxday fadeexad musuq-maasuq.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Qaranka ay kusoo oogtay dacwad musuq-maasuq, lunsasho hanti iyo xatooyo xoolo dadweyne, inkasta oo eedahaas uu beeniyey markii uu soo saaray warqadda uu isku casilay.

Xubnaha 18-ka ah ee kiiska musuq-maasuq lagu soo oogay ayaa waxaa sidoo kale ku jira Maxamed Aadan Koofi, oo isna horey usoo noqday agaasimaha hay’adda ee ka horreeyey Cabdul, kaasi oo isna sidoo kale iska fogeeyey eedaha loo jeediyey kuna macneeyey kuwo dano kale laga leeyahay.

⁹Hay’adda socdaalka ayaa xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka, ayada oo la rumeysan yahay in lacagta ugu badan ee dowladda federaalka, laga lunsaday ay ku maqan tahay shaqaalaha sare ee hay’addaas.
Ad
Previous articleShanbaloolshe oo ka Hadlay Xiisadii Maantay Ka Jirtay Baarlamaanka Soomaaliya
Next articleCali jayte oo Dib u bilaabay Dagaalkii ukula jiray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here