Home Wararka Maanta Nin gaari ku waday Mayd oo lagu qabtay Muqdisho(Sawiro)

Nin gaari ku waday Mayd oo lagu qabtay Muqdisho(Sawiro)

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay nin gaari nooca raaxad ah ku waday ilmo yar oo mayd ah, kaas oo lasoo dhigay agagaarka isbitaalka Digfer ee degmada Hodan.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay gurmad ku tageen goobta, kadib wargelin ay ka heleen dadka deegaanka.

Booliska ayaa shaaca ka qaaday in marka ay goobta tageen ay la kulmeen ilmaha yar oo Mayd ah, isla-markaana gaariga lagu dhex xiray.

“6/5/2023 abaare 16:45 Galabnimo, ayaa muwaadiniin ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay ilmaha yar oo meyd ah kuna dhex jira gaariga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale taliska booliska ayaa intaasi ku daray inay ku guuleysteen soo qabashada eedeysanaha waday gaariga, isla-markaana loo gudbiyay hay’adda CID-da.

Waxaa kale oo warka booliska lagu sheegay in haatan ay socoto baaris ku aadan dhacdadaas, isla-markaana kiiskan la waafajin doono cadaaladda.

“Ciidanka Boliiska ayaa xabsiga u taxaabay eedeysanihii watay gaariga, waxaana baarayaal u soo diray CID-da si dhacdadaas baaris loogu sameeyo kadibna cadaalada loo waafajiyo,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo reer Muqdisho ay ku dareemeen degnaan iyo amni.

Si kastaba, dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka loo gaysto carruurta, sida afduubka iyo dilka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleNin Hubaysan oo Dad badan Ku laayay Dalka Maraykanka
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo Alshabaab kusoo Rogay Xayiraad Culus Amarana Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here