Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal

Wararkii ugu dambeeyay ee Somaliland oo ay isku dhaceen booliska iyo dibadbaxayaal

0

Dibadbaxyo ay rabshado ka dhasheen ayaa ka socda magaalada Hargeysa iyo deegaanno kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Dibadbaxa waxaa horay u shaaciyay xisbiyada mucaaradka oo ka gadoodsan hannaanka maareynta doorashada madaxweynaha iyo diiwaangelinta ururada siyaasadda.

Dowladda ayaa u oggolaatay xisbiyada mucaaradka inay ku dibadbaxaan meelo kooban oo la cayimay, taas oo ay xisbiyada mucaaradku ka hor yimaadeen.

Meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ayaa laga soo sheegay in boolisku ay isku dayeen inay xakameeyaan dibadbaxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in qadka internet-ka laga jaray Somaliland, oo aysan dadku adeegsan karin baraha bulshada iyo adeegyada kale ee ku xiran internet-ka.

Dowladda weli war rasmi ah kama soo saarin xaaladda ugu dambeysa, balse waxay horay uga digtay in ay dadku ku dibadbaxaan meelo ka baxsan baraha cayiman ee la shaaciyay.

Ad
Previous articleAmaanka magaalada Baydhabo oo Si wayn loo adkeeyey Xili Roboow Wasiir Laga dhigay
Next articleUganda oo Qaramada madoobey ujeedisay codsi ku saabsan amniga Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here