Home Wararka Maanta Faahfaahin Masuuliyiin Sarsare oo ku Waxyeeloobay Qaraxyada Mataanaha Ahaa ee lagu Weeraray...

Faahfaahin Masuuliyiin Sarsare oo ku Waxyeeloobay Qaraxyada Mataanaha Ahaa ee lagu Weeraray Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya

0

Weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday dhismaha xarunta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa geystay khasaare kala duwan, waxaana dadka ku dhaawacmay ka mid ah Mahad Korow, Taliyaha degmada Waabari Ismaaciil, kuwaas oo la geeyey isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxda sare ee wasaaradda ayaa ka maqnaa xafiiska, sida wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir, wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda, xilliga uu dhacayey weerarka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow wasaaradda waxbarashada.

Sidoo kale waxaa laxaqiijiyay inuu Ku Dhintay Taliyihii Saldhiga Hodan oo lagu magaacabi jiray Xuseen Cadceed.

 

Ad
Previous articleWAR DEG DEG: Qarax Culus oo lagu Weerary Wasaarada Waxvarashada Soomaaliya iyo Rag gudaha Ugalay
Next articleMid kamid ah Wariyaasha ugu Caansanaa Muqdiaho Qaraxyada Soobe ku nafwaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here