Home Wararka Somaliya Somaliland Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul ka Bixiyay Hadal Kasoo...

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul ka Bixiyay Hadal Kasoo Yeeray Somaliland

0

Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa ka jawaabay qoraalkii ay saacado ka hor Somaliland ku garab isaagatay Taiwan.

War ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Shiinuhu wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyad ah Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay inay Somaliland garab taagan tahay shacabka iyo dowlada Taiwanoo jasiirad yar oo ag taalla shiinaha.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho oo ka jawaabaya arrintaas ayaa sheegay in Somaliland ay iska xar xariiqatay soohdin iyo xad aan jirin.

Waxaa uu lagu qoslo ku tilmaamay in xuduud laga sameeyo meel aan xuduud ahayn. “Dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan” ayuu yiri danjiraha oo hadalkiisa ku baahiyey barta Twitter-ka.

Hadaladan ay isweydaarsadeen Somaliland iyo danjiraha shiinaha ee Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli Shiinuhu dhoolutus milateri ka wado meel aan ka fogayn Biyaha gacanka Taiwan lagana baqdin qabo inuu weerar ku qaado.

Somaliland iyo Taiwan oo xiriir diplomaasi leh ayaa labadaba ka siman iney sheegtaan iney ka go’een dalalkii ay ka tirsanaayeen, isla markaana yihiin dowlado madax banaan hase ahaatee labadaba caalamka kama heystaan wax aqoonsi ah.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil
Next articleMilateriga Myanmar oo duqeyn cirka ah ku dilay boqol qof oo shacab ah (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here