Home Wararka Somaliya War Deg Deg Ah:- Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Xilka...

War Deg Deg Ah:- Wasiir ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo Xilka iska Casilay

0

Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Koonfur galbeed Ilyaas Cali Nuur ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkaas ka dib muuqaal uu soo dhigay baraha bulshada.

Ilyaas Cali Nuur oo ka hadlayey sababta uu isku casilay ayaa sheegay inuu u dulqaadan waayay gumaadka lagu haayo beeshiisa.

Wasiir Ilyaas ayaa xusay in Madaxweyne Laftagareen uu ka diiday inuu xabbadda ka daayo dadka ku reerka ah ee uu weeraray shalay, taasoo uu xusay inuu ka diiday .

“Anigoo Ilyaas Nuur Cali oo maskaxdeyda ay tahay taam waxaan iska casilay laga bilaabo maanta xilkii wasiirka warfaafinta Dowlada Koonfur galbeed, sababtuna waxay tahay markaan u adkeysan waayey leynta uu dadkayga lagu haayo” ayuu yiri Wasiirka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirro kale oo ka tirsan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee KGS ay qorsheynayaan iney iska casilaan xilka saacadaha soo socda, waxayna arrintani culeyska ku sii kordhineysaa diidmada looga soo horjeedo muddo kororsiga Laftagareen.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA EE ISCASILAADA

Ad
Previous articleHooyo Dhiig-bax ugu Geeriyootay Degmada Wisil ee Gobolka Mudug, Adeega MCH-ka oo aan ku filneyn
Next article16-qof oo ku dhimatay Dalka Mareykanka oo Duufaanta Christmas-ka ay ku dhufatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here