Home Wararka Maanta Ganacsade Maxamed Cali Mursal oo lagu Afduubtay Wadanka Koonfur Africa iyo Booliska...

Ganacsade Maxamed Cali Mursal oo lagu Afduubtay Wadanka Koonfur Africa iyo Booliska oo Wali Baadigoobaaya

0

Wararka ka imaanaya magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubtay ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ah magaaladaasi, kaddib markii weerareen kooxo hubeesan.

Burcada hubeesan ayaa la sheegay in ay galeen hotel uu magaalada Johannesburg ku lahaa ganacsade Maxamed Cali Mursal, waxa ayna burcada hotelka kala baxeen ganacsadaha iyadoon la ogeyn ilaa hadda halka ay la aadeen.

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika oo gaaray hotelka afduubka ka dhacay ayaa bilaabay baaritaano , waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in baadigoob ugu jiraan burcada afduubka geesatay.

Magaalada Johannesburg iyo magaalooyin kale oo kuyaalla dalka Koonfur Afrika waxaa ka jira afduubyo loo geesto ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaaniibta ah, waxaana dadka la afduubto qaarkood la sheegay in madax furasho laga qaato.

Burcad Soomaaliyeed oo xiriir la leh burcad kale oo ajaaniib ah iyo kuwa u dhashay Koonfur Afrika ayaa mararka qaar la sheegaa in ay ku lug leeyihiin afduubyada iyo dhaca loo geesto ganacsatada Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleDowlada oo Dib u Howlgalisay Ceelashii Degmada Aadan yabaal(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya oo shaacisay arrin murugo leh oo Al-Shabaab ay kula kaceen dagaalamayaashooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here