Home Wararka Maanta Hay”Adda Hormuud Foundation oo Dhaqaale ugu Deeqday dadka Abaaruhu Saameeyeen

Hay”Adda Hormuud Foundation oo Dhaqaale ugu Deeqday dadka Abaaruhu Saameeyeen

0

Hormuud Salaam Foundation, ayaa maanta ugu deeqdey $100,000, taasoo gurmad biyo dhaamin ah loogu sameyn doono, dadka iyo duunyada aay saameeyeen abaaraha ka jira, Gobollada J/Hoose iyo Gedo.
Deeqdaas oo maanta looga dhawaaqay shir jaraaid, oo uu gudoomiyaha HSF, Abdullahi Nur Osman ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegey, ineey ka jirto abaar daran oo galaafatay xoolihii, Goboladaas iyaga ah, gaar ahaan waxaa uu xusay in hada culeyska ugu daran uu ka jiro, tuulooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee hoos yimaada, degmooyinka Dhoobleey iyo Afmadoow, iyo degaanada la teedsan xuduuda Kenya.

Abaarta ayaa waxa aay sababtay in xoola dhaqatadii aay xoolihii ka dhamaadaan, haatana aay bilowdey ineey saameeyso dadkii, iyadoo lasoo sheegayo in nin uu is daldalay ka dib markii aay ka dhamaadeen xoolihii uu lahaa, wax uu siiyana uu waayey qoyskiisii.

Gudoomiyaha HSF, ayaa sheegey in tuulooyinka iyo degaanada aay sameeysey abaarta ee hoos yimaada Dhoobleey aay ka mid yihiin: DIIF, DHUYACGAROON, SHABAAX, YARAA, KOR U XIRAAY, GOODEYAA, BARKADLE, TAABTA, HOOSINGOW, HAAWINAA.

Dhanka Afmadoow, tuulooyinka iyo degaanada aay saameeysey waxaa iyagana ka mid ah: : JIIRO, HABAJOO, XAYO, ARBAA QARSO, CAGLIBAAX, MAGAR, NEGASROOBO, DHAANIJ, JAMAR, QOOQAANI.

Gudoomiyaha HSF, ayaa xusay in dadka aay aadka u saameeysey abaarta aay yihiin dadkii xoolo dhaqatada ahaa, ka dib markii aay gureen warihii aay biyaha ka cabi jireen, ka dib markii aay dhacday roob la, aan, waxaana uu sheegey, in abaarta saameynteeda aay si xowli ah haatan u socoto, una baahan tahay gurmad xoog leh, waxaana uuu ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed ineey u istaagaan sidii aay gurmad ugu fidin lahaayeen dadkaas aay sameeysey abaarta daran ee ka jirta Goboladaas Jubbooyinka.

Gudoomiyaha HSF, Abdullahi Nur Osman, ayaa sheegey in deeqdaan $100,000, oo aay maanta ku dhawaaqeen aay tahay wejigii koowaad ee gurmadka aay dadka Soomaaliyeed ee aay saameeyeen abaaraha ugu gurmanayaan, waxaana uu sheegey in HSF, aay marwalba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed, xaalad kastaa oo lasoo gudboonaatana aay la garab taagan yihiin hiil iyo hoo intaba, waxaana uu allah ka baryey inuu abaartaas ka dulqaado dadkeena Soomaaliyeed, oo roob iyo raxmad ilaaheey na siiyo.

Ad
Previous articleKaluumaysatada Laamu oo sheegay in Ay ka sii kaluumaysan doonaan Badda Somaliya
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo la kulmay Saraakiisha AMISOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here