Home Wararka Maanta Ciidamadii Soomaaliland looga Laayay buurta Gacan libaax oo Aas Qaran loo...

Ciidamadii Soomaaliland looga Laayay buurta Gacan libaax oo Aas Qaran loo Sameeyey iyo muuse biixi oo Waxad ku maray in…(Sawiro)

0

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas Qaran oo maanta xabaalaha Baqiic loogu sameeyey 9-kii kii askari ee katirsanaa ciidanka booliska ee dhawwaan lagu laayey tuulada Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil.

Muuse Biixi Cabdi ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay dilka askartaa maanta wadar ahaanta loo aasay, isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray  ehellada iyo qaraabada ay ka baxeen askarta la laayay.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Qaranka, waxa aan dilkaa loo geystay ciidamada Qaranka ka tacsiyadaynayaa, guud ahaan Qaranka, qoysaskoodii iyo ehelkoodii, waana la qaybsanaynaa xanuunka iyo geerida ku timi, Qarankuna wuu la qaybsanayaa.”ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inay waajib tahay soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay dilka askartaas, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqon doonto sidii sharciga loo marin lahaa kuwii dilka geestay.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi ayaa bulshada ugu baaqay midnimo iyo in qarannimada la wada difaaco, talada la wadaago, loona hoggaansamo shuruucda dalka u yaalla, si doorashooyinka loo galo.

Ad
Previous articledowlada Qatar iyo Dowlada Soomaaliya oo Khilaaf Xoogan soo kala dhex galay
Next articleHamza Abdi Barre oo Xil Culus u Magacaabay Sodan jir Sodan Malyan Haysta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here