Home Wararka Maanta Mooshinka laga keenay Gudoomiye Sacdiya oo weji cusub yeeshay iyo Xogtii ugu...

Mooshinka laga keenay Gudoomiye Sacdiya oo weji cusub yeeshay iyo Xogtii ugu danbaysay

0

Waxaa marba marka kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya guuxa siyaasadeed ee ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin oo ay xildhibaanada qaar ka gudbiyeen mooshin culus.

Mooshinkan oo salka ku haya hadalkii Sacdiya ee ku aadanaa xeerka Jinsiga ee muranka badan dhaliyay uu hadda yeeshay weji cusub, sida uu sheegay siyaasi Khaalid Gaabane.

Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa si weyn u difaacay xildhibaanadda, wuxuuna sheegay in aysan jirin xadgudub ay sameysay sida uu ku dooday.

“Sacdiya Kitaab Qur’aan ah oo ay ku xadgudubtay oo mooshin Qur’aankaa lagu difaacaa la leeyahay waxaas waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Siyaasi Khaalid Gaabane.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan laga leeyahay dano siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

“Kiiskaani waxaa gadaal ka taagan oo raalli ka ah Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, ahna Wasiirka Wasiirada, ahna saaxibka madaxweynaha,” ayuu raaciyey.

“Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa doonaya kursiga Sacdiya saa darteed wuxuu isku diyaarinayaa inuu Baarlamaanka kusoo biiro, gaar ahaan kursiga HOP#086,” ayuu yiri.

Si kastaba, maalmo kahor ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ay ka gudbiyeen xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo la filayo in Golaha la horkeeno, waxayna xildhibaanadaas ku eedeeyeen inay ku xudgubtay Diinta.

Ad
Previous articleGudoomiye Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Saraakiil Ciidan Xili uu Khilaaf Xoogan Kala Dhaxeeyo Laftagareen (Sawirro)
Next articleGudoomiye Cali Jayte oo qaaday tallaabo lama filaaan ah kana baxay guddigii lagu daray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here