Home Wararka Maanta P.M Xamse Barre oo gaaray Jigjiga si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

P.M Xamse Barre oo gaaray Jigjiga si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi la socday ayaa goordhaw ka degay garoonka diyaaradaha Garaad Wiil Wala ee kuyaalla magaalada JIgjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Garoonka diyaaradaha Jigjiga waxaa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdiga la socday madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jigjiga.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa kulan la qaadan doona madaxda dowlad deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxa uuna kala hadli doonaa xiriirka labada dhinac iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Dowlad deegaanka Somaalida ayaa qeyb ka ah dagaalka lagula jioro Al Shabaab, waxaana ciidamada deegaankaasi marar badan dagaalo dhiig badan kula daatay kula galeen Al Shababa deegaano dhaca xadka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Bakool.

Ad
Previous articleCiyaartoyda Xulka Qaranka 17-jirada oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)
Next articleMADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BILLAD-SHARAFYO GUDDOONSIIYEY XULKA 17 JIRRADA AH EE KU GUULEYSTAY KOOBKA CECAFA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here