Home Wararka Maanta Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo Bamgacameed ku Weeraray Maqaayad ku...

Askari Ka Tirsanaa Ciidanka Xooga Dalka oo Bamgacameed ku Weeraray Maqaayad ku Taal Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu askari xanaaqsan oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ku qaaday maqaayad laga cunteeyo oo ku taalla nawaaxiga isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Dhacdadan ayaa Axadii ka dhacday Tarabuunka, kadib markii uu askariga bam gacmeed xilligii qadada ku tuuray maqaayadaas oo ay ku sugnaayeen dad kala duwan.

Hooyo Cudbi oo iska leh maqaayadda ayaa Shabelle Tv uga warrantay sida ay wax u dhaceen, waxaana ay sheegtay in marar badan uu dil ugu hanjabay askarigaas oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Axmed Yuufuf oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

“Waxaa bambada igu soo tuuray nin la yiraahdo Cabdullaahi Axmed Yuufuf Raage, kana mid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo hadda kahor ii hanjabay oo i yiraahday deyn haddii aad ii diido waa dhimanee” ayay tiri hooyadan Soomaaliyeed.

Sidoo kale hooyo Cudbi ayaa faahfaahisay sida uu falkan u dhacay, waxayna sheegtay in askarigan ay isku qabteen bixinta lacagta qadada, kadibna sidaas ku qarxiyay maqaayada.

“Shalay wuxuu i yiraahday qado isii qado mahaayi lacag la’aan ah ayaa dhahay, wuu igu qayliyay wuxuu yiri qado iigur waxaan dhahay taleefoonka haddii uu dhawaaqo ayaan qado kusiin karaa ka fiirso iyo bambadana isku hal ayay aheyd,” ayay mar kale tiri hooyo Cudbi.

Waxa ay intaasi kusii dartay “Marka uu bambada tuuray wuu cararay wuxuu toos u galay isbitaalka Xoogga, aniga iyo ilmaheedana waa nala qaaday, waxaana nala geeyay Kalkaal”.

Sidoo kale waxa ay ka warbixisay khasaaraha ka dhashay falkan, waxaana ay dhaawacyo soo gaareen hooyada iyo laba gabdhood oo ay ayeeyo u tahay.

“Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo dhibane ah oo ilmaheedii dhaawac yihiin oo iyadu dhaawac ah, mana jirto wax naga soo war doonay” ayay sii raacisay.

Ugu dmabeyn waxa ay dalab culus u dirtay madaxda dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay ugu baaqday inay cadaalad hesho, si loo soo qabto eedeysanaha.

Ad
Previous articlediyaaradaha Israaill oo weerar ku qaaday Dalka Suuriya iyo Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay
Next article75 Qof oo losoo Xiray Kiiska Wiil 11 jir ah oo kufsi iyo Dil loogu Gaystay Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here