Home Wararka Somaliya Qaab Sidee ah Ayaa Loo Dhaqmay Wafdiga Dowlada ee Itoobiya ku Sugnaa

Qaab Sidee ah Ayaa Loo Dhaqmay Wafdiga Dowlada ee Itoobiya ku Sugnaa

0

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdadii saaka wafdiga Madaxweynaha Somalia ku qabsatay magaalada Addis ababa oo ay kaga qeyb galayeen Shir madaxeedka Midowga Afrika ee halkaas ka furmayey.

Cali Balcad ayaa sheegay in saaka Madaxweynaha oo rabay inuu ka baxo hotelka oo uu shirka aado ay timid caqabad dhinaca amaanka ah ka dib markii ay su’aal ka timid cidii madaxweynaha la raaci laheyd gaariga.

“Itoobiyaanku waxay ku doodeen iney gaariga iyaga la raacayaan oo ay amaankiisa sugayaan iyagoo hubeysan, anaguna waa diidnay arrintaas waxaana ku adkeysanay in ciidamo aan anagu wadano ay raacayaan, taas ayaana keentay in muddo uu dib u dhac ku yimaado socodkii Madaxweynaha” ayuu yiri Wasiirka

Cali Balcad oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “10:00 subaxnino waxaa jiray shir gaar ah oo ay lahaayeen Madaxweynayaasaha afrika keligood , waxaana intaas ka dib inoo yimid madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka dalbaday madaxweyne Xassan Shiikh inuu gaarigiisa soo raaco si ay u tagaan xarunta shirka uu ka socday sidii ayuuna madaxweynaha ku raacay, hase ahaatee caqabad kale ayaa soo baxday taasoo aheyd wadooyinka Addis ababa waa jaam fara badan marka Madaxweynayaashu marayaan waa loo xiraa, hase ahaatee Itoobiya ma aysan u xirin jidka wafdiga labada madaxweyne taasoo keentay dib u dhac kale” .

Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibeda ee Soomaaliya ayaa sheegay in ugu dambeyn wafdiga madaxweynaha ay gaareen xarunta shirka hase ahaatee saraakiisha Itoobiya ay mar kale isku dayeen iney ka celiyaan Madaxweynaha goobta uu shirku ka dhacayey wadahadal dheer ka dibna loo fasaxay.

Wasiirka ayaa sheegay in talaabooyinkan carqaladeynta ah ay ahaayeen kuwo la soo qorsheeyey oo Itoobiya oo ay ku dooneysay iney Madaxweynaha kaga baajiso khudbada uu ka jeediyey shirka si madaxda Afrika uusan dhegahooda ugu dhibcinin xad gudubka qaawan ee ay kula kacday dowladiisa midnimada iyo qaranimada Somalia, wuxuuna xusay in Madaxweynuhu uu jeediyey khudbadiisa madaxda Afrikana u iftiimiyey waxa ay isku hayaan Itoobiya iyo Soomaaliya taasoo aheyd buu yiri wasiirka muhiimada ugu weyn ee madaxweynuhu shirka u tagay.

Ad
Previous articleItoobiya oo jawaab Deg Deg ah ka Bixisay eedayn ugu Timid Dowlada Soomaaliya
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Duqayn Culus oo Alshabaab lala Beegsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here