Home Wararka Maanta Khilaaf Culus Oo Hareeyay Shirka Wasiirada Maaliyada Ee Ka Socda Muqdisho Iyo...

Khilaaf Culus Oo Hareeyay Shirka Wasiirada Maaliyada Ee Ka Socda Muqdisho Iyo Qodobka La Isku Hayo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney jirto wal wal laga qabo inuu fashil kusoo dhamaado shirkii u dhexeeyay wasiirada Maaliyada dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo galay marxalad adag.

Sida wararku sheegayaan, shirka oo soo bilowday Shantii bishan oo ku beegneyd maalinimadii Isniinta ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba-gabeeyo, iyadoo mudadii uu socday warbaahinta loo diiday iney tabiso ama dhinacyada shirsan ay xog ka siiyaan halka la isla marayo.

Dooda ugu badan ee shirka hareysay, lagana cabsanayo iney natiija la’aanta sabab u noqoto ayaa ah sida loo qeybsanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, iyadoo dhanka dowladda lagu eedeenayo iney damacsan tahay sad bursi.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in dowladda Dhexe ay ku doodayso in lacagaha deeqaga ah loo qaybsado si siman, halka dowlad goboleedyada ay ku taaganyihiin qoondadii Hore ee 60/40 , iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%.

Si kastaba, Shirkan looga hadlayo nidaamka maaliyadda dalka iyo gadoodkii Wasiirada Maaliyadda DG ee sababay inay wadajir ugu dhawaaqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaan laga ogeyn waxa ka soo bixi kara.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kulan Deg Deg ah Ka yeelanaaya Arimaha Somaaliya
Next articleBaarlamaanka Galmudug oo Meel mariyay Guddiga Doorashada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here