Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Cadaado oo lagu Wareejiyay in Ka Badan 20...

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Cadaado oo lagu Wareejiyay in Ka Badan 20 boos oo Dhul ah(Sawiro)

0

Gudoomiyaha Degmada Cadaado, faarax Diiriye Warsame, iyo kuxigeenkiisa Cabdixakiin Maxamad Cali Shilin, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Cadaado, iyo Xog’hayaha Dowlada Hoose ee Degmada Duraan Maxamad Axmed, ayaa maanta Gudoomiyhii hore ee Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan (Tootoole) kala wareegay 25-boos oo banaan oo ah boosas dan guud ah loona baahanyahay in laga hirgaliyo xarumo dan guud oo ay Bulshadu leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Cadaado, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole, ayaa Maamulka cusub ee Degmada kula dardaarmay in dhulalka banaan ee leegu talagay in laga dhiso xarumaha danta guud oo ay Bulshadu leedahay in Maamulku, dhowro loogana baahanyahay boosaska banaan iney ka dhisaan xarumo Bulshada waxtar u leh.

Dhanka kale wuxuu sheegay tootoole iney jiraan ku dhawaad 50-xarumo dan guud ah oo ay ka dhiseen Cadaado oo ah Xarumo Bulshadu loogu shaqeeyo.

Gudoomiyaha Degmada Cadaado iyo Maamulkiisa, ayaa Maamulkii hore ee Degmada Cadaado ku amaanay sida wanaagsan ee Bulshada Cadaado ay ugu shaqeeyeen intii ay xilka hayeen waxuuna uga mahadceliyay boosaska banaan ee maanta ay wareejiyeen Maamulkii hore looguna talagalay in laga dhiso xarumo dan guud oo ay Bulshadu leedahay, iyo kuwa dhisan ee Bulshada loogu adeegayo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Galmudug oo si weyn Loogu soo dhaweeyay Deegaanka Qudus ee Galmudug (Sawiro)
Next articleFartaag oo Markii Ugu Horaysay Ka Horyimid Saaxiibkiis Axmed Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here