Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo ammaan kala Dul dhacay Madaxweyne Xasan iyo P.M...

Axmed Madoobe oo ammaan kala Dul dhacay Madaxweyne Xasan iyo P.M Xamse Barre

0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar ayaa ka hadlay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo qodobadii kasoo baxay shirkii Wadatashiga.

Axmed Madoobe ayaa ugu horey ku ammaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre guusha laga gaaray wajiga koobaad howlgalkii ka dhanka ahaa kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay in wajiga koobaad howlgalkii ka dhanka ahaa Al Shabaab laga gaaray guulo la iskuna furay Muqdisho iyo Puntland , waxa uuna xusay in sidoo kale filayo wajiga labaad in la isku furi doono Muqdisho iyo Kismaayo.

“In maanta Muqdisho la’isku furay illaa Puntland lagu socon karayo, waxa aan sugaynaa waa wajiga labaad in aan qaadanno oo ay noqoto wixii Muqdisho ka xiga Koonfur in aan iyada isku furno, gaawirada ay socoto, dalka aan AS ka xorreyno iskuna furmaan Muqdisho iyo Kismaayo,” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhinaca kale sheegay in natiijo wannaagsan kasoo baxeyn shirka golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna sheegay in iyaga lagu xaman jiray in aysan rabin doorasho qof iyo cod ah , balse maanta la gaaray go’aan masiiri ah uuna dalka u dhaqaaqayo doorasho .

“Qofkii wax sheegayo ha sheego, wixii aan gacanta ku haynay oo nagu xamaneyseen in guryaha aan ku soo qoraneyno oo wixii aan rabno la’imaaneeno oo aad leheedeyn waa la yaqaanaa baa idinka nii keeneynaa, qofkii wax idin qabanaya hortiina wax haka sheego”’ ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aaminsan in go’aannada kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga Qaran u muuqdo mid maaweelo ah ayna rabaan kaliya  madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dowladda federaalka in ay sameestana muddo kororsi.

Ad
Previous articleKemal Kilicdaroglu Muxuu ka Yiri Doorashada Uu uga Guulaystay Erdogaan
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo War lama Filaan ah kasoo Saaray Go,aankii Shirka Golaha Wadatashi Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here