Home Wararka Somaliya Galmudug Gudoomiye Kii Xigeenkii Hore ee Gobalka Banaadir oo Dhuusamareeb Loogu Doortay Xildhibaan(Sawiro)

Gudoomiye Kii Xigeenkii Hore ee Gobalka Banaadir oo Dhuusamareeb Loogu Doortay Xildhibaan(Sawiro)

0

Maanta oo taariikhdu tahay 17-da Febaraayo 2022 guddiga Doorashada Galmudug wuxuu qabtay Doorashada Kursiga nambarkiisu yahay HOP035 oo 2 musharax isku diiwaangeliyeen, kalana ah:-

1- Cumar Cali Cabdi
2- Cabdullaahi Axmed Cabdi

Waxaa ka tanaasulay tartanka doorashada Cabdullaahi Axmed Cabdi waxayna ergadu hab gacan taag ah ugu codeeyeen sida habraacu yahay musharax Cumar Cali Cabdi. waxaana ogol ugu codeeyey 97 ergada ah, Maya waxaa ku codeeyey 2 ergo ah, waxaa ka aamusay 2 ergo ah, kooramka wuxuu ahaa 101 ergo ah

Sidoo kale Maxamed Xuseen Abuukar (Gaaraxo) oo uu abti u yahay Madaxweyne Qoorqoor iyo Mahad Salaad Maxamed ayaa saaka ka mid noqday xildhibaanada cusub ee golaha shacabka ka dib doorasho gacantaag aheyd oo ka dhacday Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleXildhibaano badan oo Maantay lagu doortay Magaalada Muqdisho(Sawiro)
Next articleOdayaasha Soo Xulaaya Ergada Soo Dooranaysa Kuraiga Fahad yasiin oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here