Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Baaqay in loo Diyaar Garoobo Dagaal lala...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Ku Baaqay in loo Diyaar Garoobo Dagaal lala Galo Itoobiya

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay mar kale ka hadlay heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal lagu difaacayo madax bannaanida Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay kulan casho sharaf ah oo uu xalay la qaatay xildhibaannada labada Gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u sheegay xildhibaannada uu la kulmay inay u dhiman doonaan difaaca dhulkii aabaayaasheen iyo awoowayaasheena, ayna uga tageen isaga oo xor ah.

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah farriin u gu diray dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo u ugu baaqaay inay diyaar garoobaan dagaalka difaaca badda,

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladdiisa iyo shacabka Soomaaliyeed aysan mqrnaba ogolaan doonin damaca Itoobiya ee ku aadan biyaha Soomaaliya.
“Dhulki aan ka dhaxalnay aabayasheen iyo awoowayasheen ee isagoo xor ah ay nooga tageen ayna diideyn in ay taako ka mid baxshaan, anagana waa u dhimaneynaa, so jiilalka dhalan doona, aan uga tagno isagoo xor ah,” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli sii laba kacleyneyso xiisadda ka dhalatay heshiiska badda, waxaana haatan dalka isaga baxay safiirkii Itoobiya u joogay Muqdisho.

Bixitaanka safiirka ayaa sidoo kale timid shan maalmood kadib markii Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya, ayada oo ka careysan heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland oo sida la sheegay lagu siiyey qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Dhul-badeedkaas oo dhan 20 km ayey Somaliland sheegtay inay ku beddelatay in Itoobiya ay siiso aqoonsi. Hase yeeshee Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsan doonto Somaliland, balse waxay sheegtay in marka ay hesho badda kadib ay darsi doonto sidii ay mowqif uga qaadan laheyd arrintaas.
Ad
Previous articleMasar oo wafdi culus usoo dirtay Muqdisho iyo Xasan shiikh oo kuwajahan Qaahira
Next articleMaxamed Shakuur oo dilay ninkii soo barbaariyay oo ahaa Sheekh caan ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here