Home Wararka Maanta Qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi...

Qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada Dacwad lagu soo oogay

0

Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa hadda wajahaya maxkamad, isagoo loo heysto kiis ku saabsan falal lagu eedeeyay inuu geystay sannadkii 2017.

Axmed ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid ahaa koox boolis ah oo loo yaqaan “Pangani 6”, kuwaas oo ammaan iyo cambaareyn labadaba kala kulmay dadka Kenya, marka laga hadlayo sida isaga iyo ciidanka la shaqeeya ay u maareeyeen kooxaha dambiyada ka geysta magaalada Nairobi.

Muuqaal la sheegay in la duubay xilliga uu dhacay falka dacwada hadda loo heysto ayaa waxaa ka muuqanaya Axmed Rashiid oo tooganaya labo wiil oo lagu kala magacaabi jiray Jamaal Maxamed iyo Maxamed Daahir Khayre.

Mar wax laga waydiiyay labada wiil ee loo haysto dilkooda ayuu sheegay inay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo Islii looga yaqaan “Super Power”, isla markaana uu Maxamed isku soo sawiray jaakad uu lahaa askari ay saaxiibo ahaayeen Axmed Rashiid oo la tuhunsan yahay inay dileen kooxdaas.

Supoer Power waa koox aad loo hadal heyn jiray oo lagu tilmaamay in ay dadka u geli jireen waddooyinka si ay uga qaataan telefoonnada iyo waxyaabaha kale ee qiimaha leh.

Axmed Rashiid wuxuu la shaqeynayay “cutub” ciidan ah oo sida la sheegay iyagu isku xil saaray in waddooyinka ka leexiyaan kooxaha dhaca iyo dilka u gaysta shacabka, wuxuun Axmed Rashiid horey Barnaamijka Africa Eye ee BBC-da ugu sheegay in “uusan marnaba ka tanaasuleyn wax ka qabashada kooxahan”.

“Waa in aan nolal iyo geeri ku soo qabannaa, taasi malahan tanaasul,” ayuu yiri Axmed Rashiid.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa ku ammaanay Axmed Rashiid inuu si wanaagsan wax uga qabtay amni darrada jirtay, gaar ahaan xilliyada habeenkii ah.

Guddiga Ganacsatada ee Islii ayaa baaq ay soo saareen markii uu soo baxay warka ku saabsan maxkamadeynta Axmed Rashiid waxa ay ku sheegeen in ay sameyn doonaan dibadbaxyo ay ku taageerayaan askarigaas.

Xog hayaha guud ee Guddiga Ganacsatada Islii, Cumar Ibraahim Xuseen ayaa BBC-da u sheegay in ay garab taagan yihiin Axmed Rashiid.

“Waxay sheegeen in Axmed Rashiid maxkamadda lasoo taagi doono 8-da bisha soo socota, laakiin annaga baaq baan kasoo jeedinnay arrintaas, oo ah in askarigaas uu shaqo fiican hayay, xaafadanna uu amnigeeda gacanta ku hayay, wax bandanna ka qabtay,” ayuu yiri.

Waxa uu xog hayaha intaas sii raaciyay. “Waa askari aan dambi lahayn, haddii tallaabo laga qaadana waxaan annaguna sameyn doonnaa mudaharaad, dukaamadana waan xiri doonnaa, waxaana u taagan nahay in qofkaas la badbaadiyo.”

Garsoorka maxkamadda oo keliya ayaa go’aan ka gaari kara qofka la soo eedeeyo in uu dambiile yahay iyo in kale.

Mid ka mid ah odayaasha xaafadda ayaa isna sheegay in si weyn ay u taageersan yihiin Axmed Rashiid iyo kooxdiisa maadaama xaafadda “ay ka dhigeen amni”, isagoo intaa ku daray in masaajidda ay uga soo duceeyaan.

“Waan u duceynaynaa masaajidda ayaan uga soo duceynaynaa khayr badanna Allaha siiyo, nabad galyana way keenen,” ayuu yiri.

Ad
Previous articleHaweeney uur leh iyo Koox tahriibayaal oo khiyaano yaab leh Ku sameeyey diyaarad ku jirtay hawada
Next articleSoomaaliland oo ku Farxaday Soona Dhawaysay Warsaxafadeed Kasoo Baxay Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here