Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Ka hadashay Dagaalka Khasaaraha Badan Dhaliyay ee Shalay Dhexmaray Puntland...

Puntland oo Ka hadashay Dagaalka Khasaaraha Badan Dhaliyay ee Shalay Dhexmaray Puntland iyo Galmudug

0

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo ku hadlaya Afka dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa marka hore uga tacsiyeeyey ehelada labada dhinacba dadkii ku dhintay dagaal beeleedkii ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug isaga oo inta dhaawaca ahna Ebbe uga rajeeyey caafimaad.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay labada dhinacba inay u hogaansamaan dedaalada Nabadgelyo ee socda oo ay ugu horayso dhaqan gelinta xabad joojin shuruud la’aan ah islamarkaana ay ka dheeraadaan wax kasta oo sii hurinkara colaada.

Talaabooyinka dowladdu qaaday.

1- Madaxweynaha oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee dowladda ka saaraan illaalinta Nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada waxay khadka Taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) oo ay isla garteen in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo xakamayn lahaa colaadaas, in labada dowladood diraan guddiyo taga deegaanadaas iyo soo celinta xasiloonidii deegaanka.

-Wasiirka Gargaarka
-Wasiirka Cadaalada
-Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka
-Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada.

Si ay udub dhexaad ugu noqdaan hirgelinta nabada iyo sidii looga dheeraan lahaa dhib kale oo halkaasi ka dhaca.

3- Ciidamada isku dhafka ah ee gobolka Mudug oo la kala dhex dhigay Beelihii Dirirtu dhexmartay.

Ugu damabayn Madaxweynaha ayaa faray Ciidamada isku dhafka ah ee halkaasi ku sugan iyo Ciidamada kale ee Amniga inay xoojiyaan hawl-galada lagu xaqiijinayo Amniga deegaanka, isaga oo ku bogaadiyey doorkooda Wanaagsan ee ay qaateen.

DHAMMAAD

Ad
Previous articleAl-shabaab oo gudaha u galay deegaan hoos taga degmada Mahadaay
Next articleCabdirahman Aadam Fanaale oo Soo Galay Gacanta Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here