Home Wararka Somaliya Puntland Maxkamada Ku Taala Gaalkacyo oo Dhalinyaro Alshabaab ah Xukuno Ku Riday

Maxkamada Ku Taala Gaalkacyo oo Dhalinyaro Alshabaab ah Xukuno Ku Riday

0

Maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa saakay xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday shabakad ku eedaysan inay ka tirsan yihiin argagixisada Al-Shabaab.

Shabakadaas oo ka kooban lix xubnood ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu riday xukuno xabsi ah. Ragaas waxaa loo heystaa inay dilal iyo qaraxyo ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Maxkamadda ayaa dil ku xukuntay ragga kala ah:
1 – Farxaan Faysal Salaad
2 – Cabdullaahi Faysal Xuseen
3 – Barkhad Cawil Xirsi
4 – Liibaan Aaden Muuse

Sidoo kale Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayey Maxkamaddu ku xukuntay 30-sano oo xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed ay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah.

Ad
Previous articleDeg Deg Dagaal Ka Dhacay Garowe kaas oo uu Sababay Kursiga HOP 192 oo Beri Garowe lagu Dooranaayo
Next articleDagaalo Lagu Hoobtay oo Maalintii Labaad kasocda Galmudug iyo Madaxda oo Doorasha Ku Mashqulsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here