Home Wararka Maanta Sacuudiga oo war culus ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya...

Sacuudiga oo war culus ka soo saaray damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya lana Saftay…

0

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa bayaan ka soo saartay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, kaas oo gilgilay Geeska Afrika.

Sacuudiga ayaa si buuxda u garab istaagay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana bayaanka ka soo baxay Sacuudiga lagu sheegay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in loo hoggaansamo mabaadi’da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinaya.

Sacuudiga ayaa dalbaday in laga wada shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taas oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD ayaa caawa ku baaqay in shir deg deg ah oo looga hadlayo damaca guracan ee Itoobiya iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya.

Shirkaan oo ka dhici doona 18-ka bishaan dalka Udanda ayaa looga jawaabayaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in wadamada IGAD kulan ay ka yeeshaan damaca Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya waxaa doodeeda ka mid ahaa in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay ka soo horjeedo shuruucda IGAD iyo dhammaan shuruucda kale ee caalamka.

Dowladda Jabuuti ayaa u muuqata inay door firfircoon ka qaadaneyso sidii loo dejin lahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo xubno muhiima ka ah ururkaan IGAD.

Dowladda Soomaaliya ayaa diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya, waxayna dalalka ugu muhiimsan caalamka uga digeen Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso.

Ad
Previous articleSiciid Deni oo Durbaba Dagaal ku bilaabay Dowlada Federaalka Warsaxaafadeedna Soo saaray
Next articleDowlada Itoobiya oo Hanjabaad Hor leh soo Saartay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here