Home Wararka Maanta Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka

Duqa Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ka Hadlay Abaarta Gobolka

0

Duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in abaaro darran ay ka jiraan degmooyinka Jariiban iyo Goldogob ee Mudug, isla markaana saameyn xoogan ku yeelatay abaarta dadka iyo duunyada oo ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

Waxaa uu Duqa Gaalkacyo sheegay in dadka ay abaarto heysto ay u baahan yihiin in gargaar la gaarsiiyo, maadaama aysan heysan wax ay cunaan, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dadka beeraha lahaa uu sanadkaan Ayax ka xaalufiyey dalagoogii ay beerteen.

Duq Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Fedeeaalka, Maamulka Galmudug, Hay’addaha Samafalka iyo dadka wax haysta inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka abaaraha ku saameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Si kastaba deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro iyo biyo la’aan baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana abaarta ugu adeg ay ka jirtaa Gobolada Maamulka Jubbaland, iyadoona ay la’deen xoolo badan.

Ad
Previous articleDowladda Mareykanka oo Maamulada Dalka Ugu Baaqday Bilaabida Doorashooyinka Dalka
Next articleMaxay ka wada hadleen Caawa Sheikh Shariif iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here