Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Diyaarado Duqayn Culus ka Gaystay Deegaanka Masjidka Cali gaduud iyo Ciidamada Dowlada...

Diyaarado Duqayn Culus ka Gaystay Deegaanka Masjidka Cali gaduud iyo Ciidamada Dowlada oo Dib uga soo baxay

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu garaacay duqeymo culus, waxaana duqeymaha lala beegsaday goobo ay Al Shabaab joogaan.

Duqeymaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee duullaanka ku qaaday deegaankaasi, waxaana du qeymaha si gaar ah loola beegsaday goobo fariisimo u ahaa Al Shabaab.

Afhayeenka maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyn xooggan lala beegsaday kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidanka dowladda isku diyaarinayaan in si buuxda ula wareegaan deegaankaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa isku dayaya in ay si buuxda gudaha ugu galaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay ku guul dareesteen in shalay weerar culus ay ku qaadeen ku qabsadaan.

Ad
Previous articleCiidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Gaari Dameer Qaraxyo lagu soo raray(Sawiro)
Next articleDowladda Soomaaliya oo dib u howlgalineysa Diyaarada Somali Airline iyo Guddi la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here