Home Wararka Maanta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Xirnaa Dalka Dibadiisa oo laga soo Muqdisho...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku Xirnaa Dalka Dibadiisa oo laga soo Muqdisho laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

0

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo sannado ah ku xirnaa dalka Liibiya oo ay u tageen in ay kasii tahriibaan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa ku soo dhoweeyay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, sagaal muwaadin oo Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay dalka.

Soo celinta muwaadiniintani oo ay iska kaashadeen Waaxda Arrimaha Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hey’adaha IOM iyo UNHCR ayaa ka qeyb ahaa dadaallo soo billowday 27 February, 2018 oo lagu soo daabulay boqolaal Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku xayirnaa dalkaasi Liibiya.

Dalka Liibiya waxaa ku xiran sidoo kale ku xayiran muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo dalkaasi u tagay in ay kasii tahriibaan una gudbaan waddamo kuyaalla Yurub.

 

Ad
Previous articleMercy Aigbe oo caan.ka ahayd kana tirsaneyd Nollywoodka oo qaadatay Diinta Islaamka
Next articleAlshabaab oo Laga Saaray Howd ay ku Dhuumanayeen ee Deeganada Galmudug(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here