Home Wararka Maanta Askar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay

Askar ka tirsan ciidamada Liyuu Boolis oo QARAX lagu Laayay

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay deegaanka Washaaqo oo ka tirsan gobolka Bakool, isla-markaana ku yaalla xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Liyuu Boolis ee ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala eegtay ciidamadaasi, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen xadka labada dal, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlad deegaanka ee Liyuu Boolis, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Ciidamada la qarxiyey ayaa lagu soo warramayaa inay dhankooda fureen rasaas xoogan, balse ma cadda ay khasaaraha ka dhashay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamadu ay howlgallo ka wadaan deegaanka Washaaqo iyo nawaaxigiisa.

Weerarkan qaraxa ah ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii u dambeeyey dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

 

 

Ad
Previous articleJanaraal cabdalla Cabdalla oo Darajadiisii Dib loogu soo Celinaayo
Next articleMuxuu Raila Odinga ka yiri natiijada doorashada Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here