Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Howlgal Culus oo ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Wararkii Ugu Danbeeyey Howlgal Culus oo ka Socda Magaalada Gaalkacyo

0

Howlgallada sugidda Amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay iska kaashanayaan ciidanka Asluubta ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Ciidanka Booliiska Galmudug oo ay wehliyaan Ciidanka xasilinta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmdug ayaa galay habeenkii lixaad.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa sheegay in shacabku ay doorkooda ka qaadanayaan howlgalka sugidda Amniga.

“Howlgalkan qorshihiisa koowaad waa ka hor tagista falalka argagixisanimo maadaama khawaarijtu ay caado ka dhigtaan waqtiyada cibaadada in ay Muslimiinta dhibaateeyaan, iyagoo dagaal kula jira gudashada cibaadada iyo Waajibaadka Rabbi” ayuu yiri Taliyaha

Dhamme Cali Xirsi Sahal ayaa dhanka kale sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro ku eedeeysan dhibaateeynta shacabka iyo isticmaalka maandooriyaha oo isagu qeyb aad u weyn ka qaata amni darrada

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Xoogga iyo kuwa Burundi oo Howlgal Culus Qaaday
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la wareegay galka weerarkii hoteelka SYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here