Home Wararka Maanta Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe...

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe iyo Xiisad Culus oo Ka Taagan garowe

0

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland oo maanta kulan xasaasi ah ku leh Garoowe ayaa ka doodaya arrimaha iyo siyaasadda iyo doorashooyinka oo ay si weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweynaha.

Qoraal loo diray muadanayaasha baarlamaanka oo uu ku saxiixan yahay gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa looga dalbaday iney xildhibaanada soo xaadiraan kulanka muhiimka ah ee ka tirsan kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka.

Golaha waxaa sidoo kale  lala wadaagay ajendaha kulanooda maanta, waxayna ka doodi doonaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, si xal loogu helo.

Sidoo kale baarlamaanka ayaa la filayaa inaay ansixiyaan xeerarka doorashooyinka Madaxweynaha iyo golaha wakiilada oo ay usoo gudbisay xukuumadda.

Arrimaha kale ee laga doodayo waxaa kamid ah amniga guud ee Puntland iyo sidoo kale ansixinta miisaaniyadda maamulka ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Dooddan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo wlei is mari waa uu ka taagan yahay magaalada Garoowe oo ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan labada dhinac.

Waxa ay arrintuu kasoo dartay, kadib markii todobaadkii hore uu guddiga PEC soo saaray jadwal doorasho oo dhaafiisan muddo xileedka madaxweynaha, ayna diideen mucaaradka.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay wadaan Isimada Puntland oo iyaguna shirweyne ku leh magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Ad
Previous articleGudoomiye Abshiroow oo soo Faragaliyay Sababtii tartanka looga reebay Marwo Cabdi Bashiir
Next articleXiisada Laisku Hub aruursaday oo Ka Taagan Magaalada Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here