Home Wararka Maanta Ciidamada Ciiltire oo Muqdisho ku qabtay Khamri iyo rag lagu tuhmayo Shabaabnimo...

Ciidamada Ciiltire oo Muqdisho ku qabtay Khamri iyo rag lagu tuhmayo Shabaabnimo (Sawirro)

0

Ciidamada booliiska sida milatariga u tabaran ee loogu magac daray Ciiltire iyo ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa howlgal wadajir ah ay ka sameeyeen degmada Howlwadaag ku qab qabay rag la tuhmayo.

War kasoo baxa taliska ciidamaa booliiska ayaa lagu sheegay in howlgalka ciidamada sameeyeen intuu uu socday lagu soo qabtay nin dhallinyaro ah oo bacweyn ku watay waxyaabaha maanka-dooriya sida khamri iyo calaq .

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay labo nin kale oo lagu tuhmayo in ay xubno katirsan yihiin kooxda Al Shabaab, ragaasi ayaana waxaa la wareegay ciidanka nabad sugida oo goob gaar ah ula dhaqaaqay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca howlgalo gaar ah ay sameeyaan ciidamada cusub ee ammaanka magaalada lagu wareejiyay, waxaana bilihii u dambeeyay la sheegay in ammaanka caasimadda wax badan uu iska bedelay.

Ad
Previous articleWasiiro Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya Oo Booqday suuqa Bakaaraha Arin Cajiib ahna Ka Sameeyey(Sawiro)
Next articleMuxuu wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaliya ku soo arkay Laascanood?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here