Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Koox ka Tirsan AlShabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Mareykanka Ka Fuliyay...

Koox ka Tirsan AlShabaab Oo Lagu Dilay Duqeyn Mareykanka Ka Fuliyay Gobolka Hiiraan

0

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa saddex weerar oo cirka ah ku qaaday Al-Shabaab, duqeymahaas ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen howlgalaadaas waxay ku sheegeen in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ma jiraan wax khasaare ah oo dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas oo ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sdia qoraalka lagu sheegay, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin ee Al-Shabaab oo si joogto ah u saameyn jiray rayidka aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn waxaa qoraalka lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ka go’an tahah la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan

 

 

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Xamse Oo Amar Culus Dul Dhigay Golaha Wasiirada Cusub.
Next articleBanaanbaxyo waawayn oo rabshada wata oo ka socdo Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here