Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Ciidamadii Ka Tirsan...

Alshabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku Qaaday Ciidamadii Ka Tirsan galmudug oo Furinta Joogay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka uu ka socdo agagaarka magaalada Guriceel ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Burijeed oo u dhexeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka kadib ayaa waxaa sidaas ku billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada isbaheysanaya iyo xubnaha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in dagaalka la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay iska caabiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab, isla-markaana ay xubno badan uga dileen deegaanka Burijeed.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo ay kusii qul qulayaan ciidamada dheeraad ah, si ula dagaalamaan Al-Shabaabka weerarka soo qaadeen.

Guriceel iyo agagaarkeeda ayaa waxaa muddooyinkan lagu uruurinayay ciidamo loo diyaarinayay dagaalka Al-Shabaab, si u xoreenaa deegaanada Galmudug.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Ad
Previous articleIbraahim Roobow Cali oo la Dhashay Wasiir Rooboow oo Xabsiga La dhigay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshabaab ku qaadeen Deegaanka Bariujeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here