Home Wararka Caalamka Dad Badan oo lagu laayay boosteejo Tareenada Laga Raaco ee Dalka Ukrain(Sawiro)

Dad Badan oo lagu laayay boosteejo Tareenada Laga Raaco ee Dalka Ukrain(Sawiro)

0

Ciidamada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in weerar gantaal ku qaadeen xarun tareen oo ku taalla bariga dalka Ukraine , xilli xaruntaasi la doonayay in laga daadgureeyo dadka rayidka ah ee ka cararaya colaadaha dalkaas ka jira.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 50-qof oo shacab ah ay ku jiraan shan caruur ah Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay illaa 87 qof oo kale, kuwaa oo loola cararay xarumaha caafimaadka.

Qaramada Midoobay ayaa weerarkan lagu qaaday xarunta tareenada  iyo weeraro kale oo ka dhacay dalka Ukraine ku tilmaantay kuwa aan la aqbali karin oo xadgudub ku ah xaquuqda aadanaha ayna muhiim tahay in lala xisaabtamo kuwa geesanaya.

Guddoomiyaha gobolka Donetsk ayaa sheegay in kumannaan qof ay ku sugnaayeen xaruntan markii gantaalada lagu garaacayay, iyagoo isku dayaya in ay u baxaan meelo nabdoon xilli gobolkani uu u diyaar garoobay duullaan weyn oo Ruushku kusoo yahay.

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa lagu eedeeyay tacadiyo ballaaran in ay dalkaasi ka geesteen, waxaana Ruushka si aan kala sooc laheyn gantaalo ugu garaacayaa goobaha milatariga iyo kuwa rayidka ee kuyaalla gudaha Ukraine.

Ad
Previous articleMa Dhabaa in Xubin ka Tirsanaa Alshabaab uu Kuso Biiray Baarlamaanka Soomaaliya(Xog)
Next articleGanacsato ugu Deeqday Lacag Gaaraysa $8 Milyan oo Doolar Suuqii Hargaysa ku Gubtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here