Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab oo Saakay Dagaalo Culus looga Saaray Deegaano ka Tirsan Koonfurta...

Alshabaab oo Saakay Dagaalo Culus looga Saaray Deegaano ka Tirsan Koonfurta Gobalka mudug iyo Dagaal culus oo Socda

0

Ciidaamda Deegaanka Iyo kuwa Dowlada ayaa Saakay aroortii Hore Alshabaab kii kusugnaa Deegaanka Qaycad iyo Baacadwayne ku Qaaday Dagaal Cir iyo Dhul ah.

Dagaal Culus oo Saacado badan Qaatay ayaa ka Dhacay Deegaanka Qaycad Taas oo ugu Danbayn Sababtay in ashabaab Laga Saaro Qaycad.

Qaycad ayaa Waxaa la xaqiijiyay in Alshbaab looga Furtay Gaadiid Dagaal oo aan Wali la Sheegin Tiradiiisa Qaycad ayaana Ahayd Saldhigii ugu Waynaa ee Alshabaab ku la haayeen Deegaanada Koonfurta Gobalka Mudug.

Dhan kale kale Ciidamada Dowlada ayaa Saakay Gudaha U Galay Degmada Bacaadwayne Taas oo uu Ka dhacay Dagaal Culus Saraakiil ku sugun Degmada Bacaadwayn ayaa noo Xaqiijiyay In Haatan Uu Dagaal ka Socdo Banaanka Bacaadwayne Taas Alshabaab laga Saaray.

Alshabaab ayaa Shalay ku jabay Dagaal ay ku Qaadeen deegaanka Qod Qod Taas oo looga Furtay Gaadood Dagaal.

Warar Hordhac ah ayaa Sheegaaya in Sarkaal Ciidan ee Hogaaminaayay  Dagaalka Baacadwayne uso Gaaray Dhaawacyo Sarkaalkaan oo lagu magacaabo aagaan kana soo jeeday Beesha Dagta Bacaadwayne ayaa La Xaqiijiyay asaga iyo Saraakiil kale inuu Dhaawac Soo Gaaray.

Wixii Faahfaahin kalasoco Mudug24

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Dagaal culus oo ka socda Gobolka Bakool
Next articleMadaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ku dhow inuu helo muddo kordhin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here