Home Wararka Maanta Gudoomiye Aadan Madoobe oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay Degmada...

Gudoomiye Aadan Madoobe oo Munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyay Degmada Xudur Xili uu abaabul ka Dhan ah laftagareen Halkaas ka wado(Sawiro)

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen Shacabka Degmada Xudur ee Gobolka Bokool.

Masuuliyiin kala gedisan oo ka hadlay Xafladda soo dhoweynta ayaa dhammaantooda codsaday in degaannada Gobolka si deg ah loogu dulqaado argagixisada, waxayna xuseen ay ku biiraan dadaalada dalka looga xorreeynaayo Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, isagoo la hadlaayay Shacab weyne tira badan ayuu u sheegay in Dowladda diyaar u tahay xorreynta ka qeyb qaadashada iyo taageerada Xukuumadda.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ballanqaaday in la hirgelin doono magaalada Xudur adeegyo waxbarasho, Korontada, Xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah, waxa uuna shacabka Xudur ugu baaqay in dowladda taageeraan.

Ad
Previous articleJeneraal Biixi oo Odayaasha Aadan Yabaal ugu baaqay in gabdho u guuriyaan Ciidamada Xoreeyey
Next articleMadaxweyne Xasan oo dalab culus oo ku aadan Cunaqabataynta Hubka Soomaaliya u gudbiyay Mareykanka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here