Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Xoog ku furay Wada Xariirisa Marka iyo Muqdisho iyo...

Ciidamada Dowlada oo Xoog ku furay Wada Xariirisa Marka iyo Muqdisho iyo dowlada oo ka hadashay

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Nabad Sugidda iyo kuwa Haramcad ay howlgallo culus ka sameeyeen deegaano u dhow magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgakan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalkan lagu burburiyay xarumo qarsoodi ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanada Ceel-Maracade, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo tuulooyin kale oo hoos taga ee deegaanka Number 60 ee gobolkaasi.

Xarumaha la burburiyay ayaa waxaa kamid ah goobo ay lacago ku qaadi jireen Al-Shabaab iyo xarumo maxkamadeed, sida uu shaaciyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo ka hadlay howlgalkan ayaa sidoo kale shaaciyay in lagu dilay horooge sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

“Muqdisho ilaa Marka Khawaarij waa laga sifeeyay, Isbaarooyinkii ay lacagta ku uruursanayeen iyo Xarumihii Xukun xaaraameedkooda waa la burburiyay, Horjooge iyo Maleeshiyadiisiina waa la Khaarajiyay, alle ayaa mahad leh,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Ad
Previous articleDiyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan
Next articleAfayeenka Alshabaab Cali Dheere oo ka hadlay Heshiiskii ay la galeen Beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Odayaashii laga xiray Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here