Home Wararka Maanta Deg deg: Qarax Xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaro ka...

Deg deg: Qarax Xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo khasaaro ka Dhashay

0

yaraan laba qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday qarax miino oo goordhow ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Hodan ayaa wararka waxa ay sheegeen inuu ka dhacay wadada xiriirisa Taraabuunka iyo isbitaalka Masaarida oo ku yaal halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartimaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo marayey wadada, waxaana la soo wariyey inuu ka bad-baaday miinada oo qaraxday markii uu gudbay gaariga ay la socdeen askarta.

Labada qof ee geeriyootay ayaa la sheegay inay marayeen wadada, ayaga oo la kulmay qaraxa, waxaana goobta mar dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan qaraxaas oo dhacay aroortii hore ee saaka.

Weerarkaan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee maalmihii dambe ka dhacayey magaalada Muqdisho, waxaana inta badan sheegata kooxda Al-Shabaab.

 

 

Ad
Previous articleHoggaamiyihii Al-Qaacidda Ayman Al-Zawaahiri oo la dilay
Next articleDeg Deg: Dagaal Culus oo Goordhow Ka Qaraxay Duleedka Degmada Maxaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here