Home Wararka Maanta Warbaahinta Mudug24 oo Heshay xog iyo Macluumaad ku saabsan Saraakiisha Lagu badalo...

Warbaahinta Mudug24 oo Heshay xog iyo Macluumaad ku saabsan Saraakiisha Lagu badalo doono Odawaa iyo Biixi (Akhriso)

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa qorsheenaya inuu isbadal ku sameeyo Saraakiisha sar sare ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana la Qorsheenayaa in Lagu badalo xubno aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheikh.

ilo ka Tirsan Xafiiska Madaxweynaha iyo sidoo kale qaar ka mid ah la taliyaashiisa ayaa Mudug24 u xaqeeyay Saraakiisha Lagu badalo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Odawaa yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Gen, Biixi.

ila wareedyadu waxay noo sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheikh uu la Kulmay Liibaan Cali yaroow Gudoomiyihii Hore ee Maxkamadda sare ee dalka iyo Xasan Cali Nuur Shuute, Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee CQS, waxuuna kala hadlay dhismaha Ciidamada iyo sare u qaadista Qorshayaasha Dowladda ee 4-sano ee soo socota ay ka leedahay Sugida Amniga Dalka.

isbadalka uu Damacsanyahay Madaxweyne Xasan ayaa sidaan ah, Taliyaha Ciidanka Xooga Odawaa yuusuf Raage, waxaa Lagu badalayaa Liibaan Cali yaroow, Gen, biixi oo aad ugu dhaw Madaxweynihii Hore Farmaajo waxaa Lagu badalayaa Xasan Cali Nuur Shuute.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee waxaa la geenayaa C/raxmaan Tuuryare Taliyihii Hore ee NISA oo aad ugu dhaw Madaxweyne Xasan Sheikh, Horayna Maxkamadda Ciidamada uga soo shaqeeyay.

sidoo kale waxaa xilka Laga qaadayaa Taliyaasha Boliiska iyo Asluubta waxaana Asluubta loo wadaa Sarkaal Lagu Magacaabo Xuseen oo horey u soo Maamulay Ciidamada Asluubta in kastoo xubnahaan ka Tirsan Xafiiska Madaxweynaha aysan noo sheegin, ama haysan Nala wadaagin Xogta Shaqsiyaadka loo wado Taliyaha Boliiska, Taliye ku xigeenka Milateriga, iyo Ku xigeenka Hay’adda NISA

Sidoo kale xog aan ka helnay Xubna sare oo Xisbiga UPD ka Tirsan ayaa noo Sheegay in Sanater Muuse suudi yalaxoow uu Madaxweyne Xasan Sheikh u Gudbiyay in Taliyaha Lugta Laga dhiga 3 Sarkaal midkood Kuwaas oo kala ah, Janaraal Tareedisho iyo Janaraal qaafoow in kastoo Hadalka Sanater Xaaji Muuse uu yahay mid la qaadan karo Maadaama uu yahay shaqsi aad ugu dhaw Xasan Shiikh Maxamuud

 

Ad
Previous articleMidowga Afrika oo dalbaday in Soomaaliya Laga qaado cunaqabateen Hubka
Next articleGuddoomiyaha Gobalka Hiraan oo digniin adag u diray Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here