Home Wararka Maanta Dhalinyaro Somali ah oo kamid noqday Golaha Deegaanka ee Caasimada Oslo

Dhalinyaro Somali ah oo kamid noqday Golaha Deegaanka ee Caasimada Oslo

0

Labo Wiil oo Somali ah ayaa kamid noqday Golaha Deegaanka ee Caasimada Oslo.

Sida ay ku Waramayaan Warbaahinta Gudaha Labada Will Asal ahaan kasoo jeeda Somaliya ayaa si toos ah kaga mid noqday Golaha Deegaanka ee Oslo.

Fawzi Cabdi Rashiid oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha AP iyo Cabdi Saciid oo ka tirsan Xisbiga SV ayaa buuxiyay boosas ay baneeyeen xubno kale oo ka tirsan Xisbigooda.

Labada Siyaasi oo dhalinyaro ah ayaa goor hore la doortay lakin waxay hada ahaayeen kuwa xilkaasi sugaya iyagoo ugu danbeyn buuxiyay xilalkaasi la baneeyay.

Somalida ayaa kamid ah dadka ajaanibta ee sida aadka u fir-fircoon waxayna dhawaan ka mid noqdeen dhanka Barlamanka markii ugu horeesay.

Ad
Previous articleGermalka oo War Cusub kasoo saaray Xiyaaradaha ka jira Wadanka iyo Waqtiga la qaadayo
Next articleCaasimada Dhuusomareeb oo maanta lagu Qabanayo Kuraas kamid ah Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here