Home Wararka Maanta Ciidanka NISA & Danab oo howlgal ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab...

Ciidanka NISA & Danab oo howlgal ku dilay 23 ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

0

Ciidanka Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Jubaland, Ciidanka Danab Ururka 5-aad Guutada 16-aad Kumaandooska XDS  ayaa  sheegay iney burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen Kooxda Al-shabaab oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Howlgalkan qorsheysan ayey ciidanku ka fuliyeen deegaano ay kamid yihiin Biibi, Maalka-dhaqajo, Beer-xaani, Qudus iyo Yaaq dabayl oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.

“Ciidamada ayaa howlgaladan qorsheysan ee ka dhacay deegaanadan kale duwan ku dilay 23 kamid ah Khawaarijta kuwaasoo ay ku jireen laba horjooge oo kala aha Axmed Cali Faarax (Abuu Cabaas) iyo Geedi Warfaa Cali (Abuu Muscab)” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada NISA.

Sidoo kale sarkaalka ayaa intaas ku daray ciidamadu ay fashiliyeen qaraxyo ay doonayeen kooxda Al-shabaab inay galiyaan waddooyinka iyagoo gacanta ku soo dhigay labba kamid ah kuwii miinooyinkaa hagayey.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya maxay ka tiri taliye hore ee Danab oo Laascaanood ku dhintay?
Next articleTaliye Biixi oo war cusub kasoo saaray wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab oo Dhawaan Bilaaban Doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here