Home Wararka Somaliya Tarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu maanta iska casilo Xilka uu...

Tarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu maanta iska casilo Xilka uu hayo

0

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambasador Maxamed Nuur Tarsan ayaa caawa fariin muuqaal ah uu soo duubay ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo in uu is casilo bari marka uu hortago Golaha Shacabka.

Tarsan ayaana kula taliyay Madaxweyne Farmaajo ay saaxiibo ahaayeen in uu miisaamo xaalada dalku hada marayo, waxa uuna u sheegay in dalka karaamo kusoo galay uuna yimid isaga oo la jecel yahay hadana u fiican tahay in uu karaamo ku baxo.

” Waa in aad ka fekertaa xaalada hada dalku taagan yahay , dadkan ku diidan ama kula dagaalama waxaa ku jira kuwa dowladu ajnabi u shaqeeya oo mushaar ka qaata, dantooda ayey ku bedelanayaan danta umada Soomaaliyeed, waxaana ku leeyahay waxaad soo qaban kartay soo qabatay, afartii sano waa dhamaatay, waxaan la rabaa adoo karaamo leh in aan wadankii ka tagtid , waqti baad heesataa karaamo iyo sharaf wadanka uga tag.” ayuu yiri Tarsan.

Danjire Tarsan ayaa ugu baaqay Farmaajo beri marka uu hortago Baarlamaanka in uu xilka isaga tago si uu karaamo u helo, waxa uu sidoo kale kula taliyay hadii taasi dhici weyso in hoosha doorashada ku wareejiyo Ra’isul Wasaaraha isaguna noqdo musharax mar kale tartama.

”Waxaan kaa rajeenayaa beri markaad baarlamaanka tagto in aad xilka iska dhiibtid ood tiraahdo Soomaaliyeed afar sano ayaan soo shaqeeyay waxaan rabay wanaag iyo in aan wadanka dhiso balse dad baa i diiday sidaas ayaan dalka uga tagay, ama waa mid in aad tiraahdid anigu waan tartami Ra’isul Wasaaruhu ha diyaariyo hoosha doorashada, waxaad tahay muwaadin Soomaaliyeed cid kuu diidi karto ma jirto in ada tartanto, balse ha isku dayin in magaalada lagu bur buiriyo ciidankii aad dhistay” Ayuu yiri Tarsan.

Ugu Dambeyn Tarsan oo saaxiib la ah Farmaajo una soo noqday lataliye sare ayaa kula taliyay in uu qaato go’aan geesinimo leh dalkana uga tago si qurux badan kana fogaado in dalka u horseedo bur bur iyo dhibaato hor leh oo ka dhalata xukun jaceyl.

Baaqa kasoo yeeray masuulkan katirsan dowlada ayaa kusoo aadaya xili beri lagu wado in Farmaajo hortago  golaha shacabka una jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada iyo mudo kororsiga

Ad
Previous articleWaa Maxay Ergayga Cusub oo Dowladda Qadar usoo Dirayso Soomaaliya
Next articleSababtii Farmaajo isaga celiyay Dhalashada Mareykanka oo la ogaaday (Xog cusub)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here