Home Wararka Somaliya Yaa ku fadhiya 16-ka Kursi ee doorashadooda laga wareejiyay Garbahaarey (Magacyada)

Yaa ku fadhiya 16-ka Kursi ee doorashadooda laga wareejiyay Garbahaarey (Magacyada)

0

Guddiga doorashada heer federaal ayaa go’aamiyay in doorashada 16-ka kursi ee horey loogu qoondeeyay magaalada Garbahaarey loo wareejiyo degmada Ceel-Waaq oo gacanta ugu jira maamulka Jubbaland.

Doorashada kuraastan 16-ka ah ayaa horey waxaa ugu dagaalamay Madaxweyne Farmaajo in ay ka dhacdo magaalada Garbahaarey si uu u maamulo uguna soo baxaan kuraastaasi xubno Madaxweyne Farmaajo watay.

Waxaa hada rejo xumo lasoo daristay qaar kamid ah xildhibaanadii kuraastan horey ugu fadhiyay gaar ahaan kuwii aadka ugu dhawaa Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale oo filayay in Villa Soomaaliya soo saarto.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la filayaa in uu maamulo kuraastan doorashadooda loo wareejiyay degmada Ceel-Waaq, waxaana la filayaa in kuraastan kusoo axaan xubno laga rabo Madaxtooyada Jubbalnd siyaasad ahaana kasoo horjeeda Farmaajo.

Halkan ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada horey ugu fadhiyay 16-ka kursi

1: HOP#065 waxaa ku fadhiya  Jibriil Cabdirishiid Xaaji.

2: HOP#078 waxaa ku fadhida xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.

3: HOP#087: waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Cali Xuseen.

4: HOP#090 waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Aadam Macallim

5: HOP#091: waxaa ku fadhiya xildhibaan Aadam Isaaq Cali.

6: HOP#100 waxaa ku fadhgiya Cabdulcaziz Cabdullaahi Yuusuf (Dhagaqool)

7: HOP#102 waxaa ku fadhiya xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

8: HOP#110: waxaa ku fadhisa Xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi

9: HOP#116 : waxaa ku fadhiya Xildhibaan Cabdulqaadir Aadan Nuur.

10: HOP#117:  waxaa ku fadhiya xildhibaan Haashim Nuur Aadan.

11: HOP#119: waxaa ku fadhiya Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo hadda ah Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa ku fadhiya kursigaan.

12: HOP#122: waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).

13: HOP#123: waxaa ku fadhiya Xildhibaan Maxamuud Cali Magan

14: HOP#125: waxaa ku fadhida Daleys Xasan Aadan.

15: HOP#131 waxaa ku fadhiya xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

16: HOP#216: waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdi Cali Xasan

Ad
Previous articleSweden: 9 Askari oo Boolis ah oo lagu Dhaawacay, 4 Gaari oo lagu gubay Rabshado ka dhacay Örebro
Next articleMaamulka Gobalka oo Ciidamao joojiya Doorashada U Diray Ceelwaaq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here