Home Wararka Maanta Donald Trump oo Markale lasoo Taagay maxkamad ku taalla Washington

Donald Trump oo Markale lasoo Taagay maxkamad ku taalla Washington

0

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xidhiidhay, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday.

Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto ‘isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo’.

Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.

Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka.

Ad
Previous articleTurkiga oo Soo SaaraybGo,aan ka Nixiyay Soomaalida ku nool Dalkaas
Next articleAbiy oo ku dhowaaqay xaalad deg deg ah xilli rabshaduhu kasii dareen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here