Home Wararka Maanta Joe Biden oo Ukraine u duulay xilli uu taagan yahay muran ka...

Joe Biden oo Ukraine u duulay xilli uu taagan yahay muran ka dhashay talaabo uu Maraykanku qaaday

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku wajahan Yurub ka hor shir madaxeedka NATO ka dib markii dhowr xulafiidsa ka mid ah ay su’aal galiyeen go’aankii uu ugu diray bambaanooyinka Cluster dalka Ukraine.

UK iyo Canada ayaa ka mid ah dalalka ka dhawaajiyay inay ka walaacsan yihiin daabulka bambooyinka oo si weyn loo mamnuucay sababo la xiriira khatarta ay u geysanayaan dadka rayidka ah.

Maraykanka ayaa sheegay in Ukraine u baahan tahay bambooyinkan maadama uu kayda hubka ee Ukraine gabaabsi yahay. Mr Biden ayaa marka hore imaan doona UK, fiidnimada Axada, ka hor inta uusan u ambabixin dalka Lithuania oo uu kaga qeyb galayo shir madaxeedka Nato ee todobaadkan.

Isniinta, wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak si uu ugala hadlo arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay dagaalka Ukraine. Waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Boqor Charles-ka Ingiriiska markii ugu horeysay tan iyo markii boqorka la caleemo saaray.

Xubnaha NATO – isbahaysiga milatari oo ka kooban 31 waddan oo reer galbeed ah – ayaa markaa ku kulmi doona Vilnius Talaadada iyo Arbacada.

Finland waxay ka qaybgeli doontaa shir madaxeedkeedii ugu horreeyay tan iyo markii ay ku biirtay gaashaan buurtan bishii Abriil. Qorshayaal ka yimid Sweden oo ay ku doonayeen in ay ku daydaan ayaa waxaa hor istaagay Turkiga oo ku eedeeyay in ay gabaad siiyaan argagixisada.

Joe Biden ayaa la filayaa in uu taageero dheeraad ah ka raadiyo Rishi Sunak si uu gacan uga geysto heshiis uu la galo Turkiga. Arrinta ayaa sidoo kale la filayaa inay ku jirto ajandaha NATO ee Lithuania – oo ay weheliso kor u qaadista kaydadka rasaasta iyo dib u eegista qorshayaasha difaaca.

Ad
Previous articleMilatariga Mareykanka oo duqeyn ku dilay 10 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab
Next articleRuushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here