Home Wararka Maanta Deg Deg: Shaqa joojin lagu Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibada DF...

Deg Deg: Shaqa joojin lagu Sameeyey Wasiirka Arimaha Dibada DF Soomaaliya

0

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu shaqada uga joojiyay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in sababta shaqada looga joojiyay Wasiirka arrimaha dibadda in ay tahay in si sharci daro ah u fasaxay markab siday dhuxul oo ku xirtay dekadda dalka Cumaan.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale buriyay warqada wasaaradda arrimaha dibadda ku fasaxday markabka dhuxusha sharci darada ah qaaday ee ku xiran dakadda kutaalla dalka Cumaan.

Rooble ayaa xafiiska xafiiska hanti dhooraha qaranka iyo hay’addaha amniga faray in baaris ku sameeyaan falkan l;agu eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda una gudbiyaan hay’daha garsoorka dalka.

 

Ad
Previous articleSacuudiga oo Xayiraad Kusoo Rogtay Soomaaliya
Next articleshaqaale u Badnaa Taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo oo maantay loo Diiday inay Galaan Madaxtooyada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here