Home Wararka Maanta Qarax caawa Lagu weeraray Guri uu deganaa Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka

Qarax caawa Lagu weeraray Guri uu deganaa Xildhibaan ka Tirsan Golaha shacabka

0

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ayaa sheegaya in caawa Qarax Lagu weeraray Guriga uu ka deganyahay Muqdisho Xildhibaan yuusuf kabaale oo ka Tirsan Golaha Shacabka JFS.

Xildhibaan yuusuf kabaale ayaa deganayaa Degmada Wadajir waxaana Lagu weeraray Bam-gacmeed sida ay noo sheegeen dadka Deegaanka.

Waxaa ka dhashay qasaare xoogan, waxaana la leeyahay ku dhawaad 7 ruux ayaana qasaare gaaray in kastoo aana la qeexijin inay dhimasho jirto iyo in kale

Dadkii dhaawaca ahaa Ayaa la dhigay isbitaal sida ay noosheegeen dadka Deegaanka waxaana Qaraxa ka dib Ciidamada xildhibaanka ay fureen risaas xoogan oo aan la ogeen cida wax ku noqotay

Ad
Previous articleTaliye ku xigeenka Ciidanka duufaan oo Muqdisho Lagu dhaawacay
Next articleWasaaradda Macdanta iyo Bartoolka oo Soo Saaratay Amar Dhaqan Galintiisu Dhiig Badan Ku Daadan Karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here