Home Wararka Somaliya Galmudug oo Xukun ku riday Nin Afduub u geestay Gabar Lix Sano...

Galmudug oo Xukun ku riday Nin Afduub u geestay Gabar Lix Sano jir ah

0

Maxkamadda gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta soo gaba-gabeysay dacwad ka dhan ah eedeysane Maxamed Cabdi Dhoore oo loo heesto inuu afduub iyo kufsi u geystay gabar yar oo lix sano jir ah.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in Dhoore uu falkan geystay 19-kii bishan August, isla-markaana uu ka dhacay  deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in gabadha uu falkaasi ka soo gaaray dhaawac xoog leh.

Ugu horreyn xeer ilaalinta maxkamadda ayaa goobta ku soo bandhigtay qiraal laga qoray eedeysanaha iyo caddeymo kale oo muujinaya, sida uu falka u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta laga soo qaaday, iyada oo xeer ilaalinta ay dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.

Sidoo kale qareenada difaacayey eedeysanaha oo dhankooda ka hor hadlay maxkamadda ayaa ka dalbaday in eedeysanaha loo qafiifiyo xukunka , iyadoo la eegayo qiraalkiisa.

Intaasi ka dib garoosraha maxkamadda ayaa ku dhowaaqay xukunka kama dambeysta ah ee kiiska Maxamed Cabdi Dhoore, waxaana lagu riday xukun dhan shan sano xabsi ah iyo sidoo kale bixinta labo halaad oo maxkamadu sheegtay in ay noqonayaan dhiiga gabadha.

Dhinaca kale ehellada gabadha yar ee dhibanaha ah ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay maxkamadda ka gaartay kiiskan oo marxalado & doodo kala duwan soo maray.

Si kastaba gobollada Galgaduud iyo Mudug ee Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal la xiriira kufsiga, waxaana kiiskan uu ka mid noqonayaa kuwa ay guuleysteen hay’adaha amniga iyo maxkamadaha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Ad
Previous articleSomali Weerar ka geestay safaaradda Faransiiska ee magaalada Darussalam iyo Tiro dad ku dhintay
Next articleWarar laga helayo Dil ka dhacay Caasimada Galmudug ee Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here