Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamareeb

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya Dhuusamareeb

0

Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug uu ka furmaya shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas diiaradda lagu saarayo ‘amniga iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-shabaab.’

Madaxweynaha Galmudug oo shirkan martigelinaya ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay madaxda ka qeybgaleysa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen R’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, guddoomiyaha gobolka Benaadir, iyo madaxweynaha Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo u ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay la wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Kahor Ceelbuur, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay tuulada Dac oo qiyaastii 18-kiilo mitir dhanka Koofur Bari ka xigta Ceel-buur.

Maalmihii ugu dambeeyay cidamada ayaa qabsaday Cosweyn, Wabxo, War Xoolo, Dac iyo tuulooyin kale oo yar yar.

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Saacado Badan Socda Qaatay oo ka Socda Degaan Maamlmo ka Hor Alshabaab lagala Wareegay
Next articleMadaxweyne Cali Guudlaawe oo Gaaray Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here